Total Pageviews

Sunday 18 September 2016

Somalia & Kenya oo Berrito isku wajahaya Hague

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dacwadda geysay Maxkamadda oo ay xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii August ee sannadkii 2014.

Kenya waxaa ay ka soo horjeeddaa dacwadda ayada oo leh doodda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya waa mid ka baxsan xeer-xeyndaabka Maxkamadda. Sidaa darteed ma ahan in ay Maxkamaddu gasho dacwaddan.

Laakiin Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Maxkamaddu ay go’aamiso soohdin-badeedda labada dal meesha ay noqoneyso.

Maxkamaddu waxay go’aansatay in labada dhinac ay isugu yeerto. In Kenya laga dhegeysto waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ay Maxkamadda uga dalbeyso in aanay dacwadda furin. Jawaab celin ayaa laga dhegeysan doonaa Dowladda Soomaaliya. Waxaa keliya oo dacwadda hadda la dhegeysanayaa ay ku saabsan tahay in ay tahay Maxkamaddu in ay gasho dacwadda oo ah doodda Soomaaliya iyo in ay go'aamiso in aanay dacwaddan geli doonin oo ah sida ay Kenya dooneyso.

Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad
Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad
Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

Inkasta oo dooddani ay tahay mid Dadweynaha u furan, haddana Maxkamadda kuraasteedu waa ay kooban yihiin. Waxaa muhiimadda la siin doonaa Ergooyinka labada dal ee ay Dacwaddu u dhexeyso iyo Diplomaasiyiinta.

Axmed C. Dahir (Dhexda)
Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

Dacwada Soomaaliya oo ah qoraal dhammaystiran waxaa July 2015 Maxkamadda geeyay Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali Dahir. Waxaa la sawiran (Bidix) Danjiraha Soomaaliya ee Brussels, Dr. Cali Faqi iyo Qunsulka, Cali Abuukar. Waxaan sawirkaa uga qaaday Maxkamadda horteeda, daqiiqado ka hor inta aan dacwadda la gudbin.

Soomaaliya waxaa ka go'an in ay u dooddo xuquuqdeeda iyada oo aan cidna ku xad gudbin.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa Waax ka mid ah lixda Waaxood ee waaweyn ee ay Qarammada Midoobay ka kooban tahay. Maxkamadda Xarunteedu waa Hague, Netherlands, halka shanta Waaxood ee kale ee Qaramada Midoobay ay xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wakiillada Soomaaliyeed ee dacwadda goobjoogga ka ahi waxaa ay qorsheynayaan in ay Dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay uga warramaan sida ay dooddu u dhacday iyo dareenkooda.

No comments:

Post a Comment