Total Pageviews

Thursday 17 April 2014

Raila oo dhaliilay tabta Booliiska Kenya

Raila Odinga: 
Soomaalida sida loola dhaqmayo caddaalad ma aha
Yusuf-Garaad


Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado, welibana walaac ka muujiyay tabta ay Booliiska Kenya adeegsanayaan marka ay si gooniya u bar tilmaansanayaan Soomaalida.

In dadka Soomaalida la soo ururiyo oo xero la isugu geeyo si loo kala saaro, ma ahan dow, ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay in ay arrintaasi tahay mid caro ku dhalin karta qowmiyadda Soomaalida.

Ra’ila Odinga oo hadda socdaal ku jooga dalka Mareykanku wuxuu saxaafadda Kenya u sheegay in loo baahan yahay in hey’adaha Sirdoonka iyo Booliska Baarista Dembiyada CID loo baahan yahay in ay xog raadiyaan oo ay soo qabtaan dadka arga-gixisada ah, ka hor inta aanay fal geysan.

Waxaan ka warqabnaa, ayuu yiri, in qowmiyado kale oo badan oo Kenya ah laga helay shakhsiyaad ka tirsan al Shabab. Sidaa darteed caddaalad ma ahan, ayuu yiri, in Soomaalida gaar loo bartilmaansado.

Wuxuu Raila ku tilmaamay in arrintaasi caddaalad darrada ka sokow ay keeneyso laba dhibaato oo kale.

Marka hore waxay caro gelineysaa ayuu yiri dadka Soomaaliyeed, oo u arkaya in la faquuqay oo si aan caddaalad ahayn in loola dhaqmay.

Marka labaadna, Soomaalida Kenya ayaa waxay ku dhalineysaaa in ay dareemaan in aanay la xuquuq ahayn dadka kale ee Kenya. Jawaabna ma aham mana noqoneyso, ayuu yiri, in la yiraahdo lama kala yaqaan Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Soomaaliya. Wuxuu is weydiiyay su’aal. Wuxuu yiri – Oo yaa kala yaqaan Masai Kenya iyo Masai Tanzania?


Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in ay dowladdu dib u habayn ku sameyso Booliiska, Sirdoonka iyo Garsoorka oo uu ku tilmaamay in qofka tuhun arga-gixisnimo lagu soo qabto ay damiin ku sii deynayaan, taas oo keeneysa in qofkii uu markaas fuliyo fal arga-gixiso.

Hey'ad Xuquuqda Aadanaha u doodda, Human Rights Watch, ayaa iyaduna ugu baaqday Kenya in ay joojiso howlgalkan. Waxay ku tilmaantay in ay booqatay Saldhigga Booliiska Pangani oo ay aragtay meel loogu tala galay 20 maxbuus laakiin ay ku jiraan dhowr boqol oo qof. Waxaa kale oo ay sheegtay in ay aragtay Booliis karbaash la dhacaya dad xiran, hadallo gef ahna kula hadlaya.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay hadda sheegayaan in howlgalku uu aad isu dhimay, dadkii xirnaana intooda badan lagu sii daayay siyaabo kala duwan qaarna loo dhoofiyay Soomaaliya.

Wareysiga Raila Odinga oo af Ingiriis ah, soconaya 16'36" arrinta Soomaaliduna ay tahay su'aalaha badan ee la weydiiyay mid ka mid ah, waxaad ka dhegeysan kartaa adiga oo dhag siiya sawirkiisa hoose.

Friday 11 April 2014

Kasarani


Qeylo Dhaan
Yusuf-Garaad

Maanta waxaan fursad u helay in aan booqdo Garoonka Kasaraani ee magaaladan Nairobi. Waa goobta lagu hayo dad fara badan oo intooda badan laga soo qabqabtay xaafadda Eastleigh inta kalena magaalooyinka Kenya.

Waxaan goobta ku arkay dad dhowr boqol aan ku qiyaasay, in badan oo ka mid ahna waan isla hadalnay. Qiyaasteyda dadka aan arkay barkood am ka badan waa haween.

Waxaan meesha ku arkay dad haysta waraaqo muujinaya in ay qaxooti yihiin oo si sharci ah loogu aqoonsaday in ay Kenya ku noolaaaan. Waxaa kale oo aan arkay ugu yar hal gabar oo haysata baasa-boor Soomaali ah oo uu u saaran yahay sharci deggenaasho Kenya oo dhacaya Agoosto 2014.

Waxaase dhulku ila wareegay, awood darrana aan dareemay, markii aan arkay hooyo Soomaaliyeed oo ilmo yar oo dhowr bilood jira xambaarsan haysatana sharci caddeynaha in ay Qaxooti tahay. Ilmaha yar afka isuma geynayo oo intaa wuu ooyayaa. Waxay hooyadii ii sheegtay in ilmuhu xanuunsan yahay. Markii aan calaacasheyda foolka ka saaray waxaan dareemay in ay qandho luleyso. Waxay ii sheegtay hooyadii in dhowr habeen ay meeshaas ku jirtay.

Waxaan weydiiyay ilmaha yar aabbahood. Waxay ii sheegtay in markii iyada la soo xirayay afar maalmood ka hor isagana la xiray, meel uu ku xiran yahayna aanay war u hayn. Welwel xoog lihi wuxuu ka hayay afar carruur ah oo ay ka soo tagtay oo ay deriska kala soo dardaarantay.

Dhinac ka mid ah garoonka waxaa ka socda dadka oo qof qof sawir looga qaadayo, fara laga qaadayo, lana baarayo dalka Kenya waxaa uu qofkaas xog ka hayo. Waxay booliisku ii sheegeen in habkaas lagu kala saari doono dadka.

Waan ku il goday, in mudda ahna u fiirsaday. Nidaamka ay howsha ku wadaan waa mid aad iyo aad u gaabiya. Wakhti badan qaadan doona.

Markii aan booliiska ka codsaday in ay haweenka carruurta wata ugu hormariyaan waxay ii sheegeen in ay haweenka oo dhami ay ragaa ka horreynayaan. Laakiin qolka sawirka iyo faraha lagu qaadayo intii aan ku jiray wiil iyo laba gabdhood ayaa nidaamkaa la marsiiyay, wiilkaana ka horreeyay gabdhaha. Haween badan oo aan weli habka la marsiinna wey hawirnaayeen.

Dadka aan arkay waxaa ku jiray dad aan Soomaali ahayn. Waxaa ku jiray islaamo waayeel ah. Waxaa ku jiray carruur. Waxayse u badnaayeen Soomaali. Umana ekeyn nooc argaggixisnimo looga shakin karo.

Booliisku waxay noo sheegeen in raashinka laga dalbay sharikad gaar loo leeyahay, taas oo uu uga jeedo in raashinka tayadiisu ay wanaagsan tahay. Xilli raashin ma ahayn xilliga aan tegey, laakiin koobab meesha daadsanaa waxay ahaayeen kuwo tayo wanaagsan, nadiifna ah. Waxaa kale oo Booliisku ii sheegay in musquluhu ay wanaagsan yihiin welibana waxay damceen in ay i geeyaan, aniga ayaase ka gaabsaday.

Markii aan saaka Kasaraani tegey ilaa iyo hadda waxaa iga hor muuqda ilmaha yar ee qandhadu ay hayso oo haddana maxbuus ah, cid u maqanina aanay jirin. Keliyana u baahan sharciga hooyadiis ay haysato in lagu xaq dhowro. Nin Kenyan ah oo aan wada soconnay wuxuu igu yiri, ilmahaas yar in uu meesha ku dhinto ayaan ka baqayaa.

Bal ka feker haddaad xaaladdaas ku jiri lahayd, cid kuu maqanina aanay jirin. Bal dhowr daqiiqo oo keliya ka feker taas, oo akhriska qormadan waad sii wadi doontaaye hadda halkaas ku jooji.

Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka codsanayaa in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, uu culeys ku saaro in dadkaas xorriyaddooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan. Hadday Kenya joogayaan iyo haddii Soomaaliya lagu celiyayana si dhakhsa leh loogu dhaqaaqo. Inta xanuunsanna hadda lala gaaro daryeel caafimaad.

Waxaan u mahadcelinayaa, Danjire Maxamed Cali Americo, iyo Safaaraddeenna Nairobi, oo ii suurta geliyay booqashaas iyaga oo ka jawaabaya codsigeyga oon u gudbiyay aniga oo aan weli garoonka dayaaradaha ee Nairobi aan soo dhaafin.

Baraha internetka waan u fasaxayaa in ay soo dabacaan qeylo dhaantan haddaysan wax ka beddeleyn.






Saturday 5 April 2014

Talo Saaxiib Facebook


Talo Saaxiib Facebook
Inqaasta Yusuf-Garaad

Hagi Abdirizak, oo ah saaxiibkeey Facebook ayaa su’aal i soo weydiiyay. Markii aan uga jawaabay, wuxuu i siiyay talo. Waan la dhacay taladii, Waxaan markaas fasax uga qaatay in aan la wadaago saaxiibbadeyda kale ee saxaafadda bulshada.

Waxaad ka mid tahay siyaasiyiinta Soomaliyeed ee aan ku taxanahay ama kala socdo marba xaaladda dalka.

Jaraa’idka Soomalida kalsooni kuma qabo, mana aamino waxa ay qoraan illaa aan ka aqriyo source wanaagsan.

John Hobbes baa qoraalkiisa Leviathan ku yiri "ummad walba waa laga maarmaan in ay hesho "Social contract" haddeyse umadi ku guulaysan kari weyso, waxay ku noolaataa gaajo, cabsi iyo dagaallo joogta ah.

Ummaddana xaalaaddaa kama baxdo illaa iyo inta ay hesho "heshiis mujtamaceed" oo ka turjumayo iimaankooda iyo dhaqankooda....

Waxaan aaminsanahay in 1980 iyo jabhadahii "isbaddal doonka" illaa iyo maanta iyo doodda siyaaseed "federal haa ama maya?" Ay ka turjumeyso in aan wali baadi goob ugu jirno "heshiis mujtamaceed".

Waxaa iga talo ah, kalsoonina aan ku qabo garashada aad u leedahay arrinkan.

Socrates baa qoraaladiisii ugu caansan mid ka mid ahaa uu ragga 3 u qeybiyay.

1) Rag ka dooda aragtiyada.
Tusaale: federaal haa ama maya!?

2) Rag ka dooda dhacdooyinka
Tusaale: diyaaraddii Maleysia way luntay iyo maysan lumin ee waa been!!

3) Rag ka dooda ragga kale
Tusaale: Xasan Sheikh baa saxsan maya Cumar Cabdirashiid baa saxsan!!

Markaa buu yiri ragga sadaxaad baa rag ugu liita.

Waxaad heysaysaa fursad in badan aysan haysan. Ilaahay wuxuu kugu mannaystay awood aad umadda isugu soo dhaweyn kartid ama ku kala fogeeyn kartid.

Hana illooobin eraydii Rasuulka caleyhi wassalaam:
"Mid walbaa waa mas'uul, mid walbana waxaa laga wareysan mas'uuliyadii uu qaaday.."

Aabbaha waxaa laga wareysan aqalkiisa iyo reerkiisa, hogaamiyahana waxaa laga wareysan shacabkiisa.

Mahadsanid jawaabtaada. Kheyr iyo guul baan ku rajeynayaa.

Thursday 3 April 2014

Xamar Lagaama Xigo - Qaybta Koowaad


Waa Qaybta Koowaad ee Qormadeyda taxanaha Xamar Lagaama Xigo, oo aan ka soo min guuriyay Facebook. Waxay wadataa aragtiyadii laga bixiyay, intii qof ee like tiri iyo weliba intii sii faafisay.




Wednesday 2 April 2014

Wasiirro la kulmay dhallinyaro


Cudud Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad

Aqoon is wedyaarsi saddex maalmood u socday dhallinyaro aqoonhananno ah ayaa lagu soo geba gebeeyay Muqdisho.

Kulanka waxaa looga dooday arrimo dhammaantood khuseeya dhallinyarada oo ay ka mid yihiin dhallinyarada iyo kaalintooda hoggaaminta, dhallinyarada iyo xag jirnimada, dhallinyarad iyo aminiga, dhallinyarada iyo mutaddawacnimada iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Qodobbada sida qotada dheer looga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo ama iyaga laftoodu ay u sameysan lahaayeen shaqo. Waxyaabaha ay dhallinyaradu soo jeedisay, xukuumadduna ay sheegtay in dib u eegisteeda gacanta lagu hayo ayaa waxay tahay mushaaraadka ay qaataan dadka dibadda ka soo laabtay qaarkood iyo kuwa gudaha ku sugan ee isku aqoonta iyo xirfadda ay yihiin in aanay isu dhigmin. Iyada oo weliba laga yaabo in kuwa guduhu ay khibrad badan yihiin. Wasiirka Dhallinyarada Khaalid Cumar oo shirka furay ayaa ka warramay muhiimadda kaalinta dhallinyarada, isaga oo sheegay in talooyinka ka soo baxa uu meel marintooda ka shaqeyn doono. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in uu damacsan yahay in uu qabto Shirweyne Qaran oo dhallinyaradu ay uga arrinsadaan horumarinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashadooda dib u dhiska dalka. Shirkaas waxaa lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha sannadkan.

Madaxdii kale ee saddexda maalmood ee shirku socdoay ka hadashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo ay ka wada hadleen sidii ay dhallinyaradu fursad ugu heli lahayd qalabka warbaahinta Qaranka si ay aragtidooda isu gaarsiiyaan ulana wadaagaan dadweynaha. Wasiirku wuxuu ballan qaaday in barnaamij toddobaadle ah uu dhallinyarada u sameyn doono.

Dhallinyarada oo ka cabaneysay in lagu tuhmo xag jirnimo amaba qashqashaad ay mararka qaar kala kulmaan hey’adaha ammaanka darteed, ayaa waxaa aqoon is wedyaarsiga ka soo qeyb galay Taliyaha Booliiska, General Cabdixakiim Daahir Siciid (Saacid). Taliyuhu wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono in booliiska iyo bulshada la isu soo dhoweeyo, oo la helo wakiillo bulshada ka tirsan oo tababbaran gacanna ka geysta isfahanka booliska iyo bulshada. Waxaa kale oo la dhaqan gelinayaa dhowaan ayuu in lebbiska booliiskua uu lahaado askariga magaciisa iyo nambarkiisa oo jeebka shaarka dushiisa ku qoran, si daba gal loogu sameyn karoodo khaladkii dhaca.

Agaasmiaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre, ayaa isaguna kala hadlay dhallinyarada fursadaha xagga shaqo ee ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xirfadaha inta badan ay shaqooyinkaasi u baahan yihiin.

Wasiirrada Beeraha, Cabdi Axmed Baafe, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Ibraahim iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Prof. Saalim Caliyo Ibrow ayaa ka mid ahaa dadkii la kulmay dhallinyarad intii tababbarku u socday si ay ugu guubaabiyaan dib u dhiska dalka, isla markaana uga warramaan sida Wasaaradahoda iyo dhallinyaradu ay isu kaashan karaan.

Aqoon is wedyaarsiga waxaa soo qaban qaabisan Hey’adda NCF oo ah hey’ad waddani ah. Aqoon is weyaarsiga oo aan qaban qaabadiisa iyo fulintiisaba aan kaalin ku lahaa, ayaan jeclaan lahaa in aan halkaan uga mahadceliyo Madaxdii wakhtigooda muhiimka ah u huray dhallinyarada si ay u baraarujiyaan una soo dhoweystaan.